Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa waxaa gaaray Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan iyo wafdi ballaaran uu hoggaaminayo.
Garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ayaa James Swan iyo wafdiga la socday kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo xubno kale, waxaana loo gadbiyay Xarunta Madaxtooyada.