Monday, March 1, 2021
Bogga Hore Wararka Manta James Swan oo sheegay in loo baahan yahay waqti dheeri ah oo...

James Swan oo sheegay in loo baahan yahay waqti dheeri ah oo lagu daro doorashada dalka.

26

Eragyga Xogahayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan oo maanta qabtey shir saxaafadeed ayaa waxa uu kaga hadley xaaladihii u danbeeyey ee Soomaaliya

James Swan waxaa shir saxaafadeedka ku weheliyey ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ee arrimaha bini’aadanimada Adam Abdelmoula iyo Lisa Filipetto, oo ah madaxada UNSOS.

Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa sheegay in uu la kulmey dhamaan qaybaha kala duwan ee Soomaaliya ee muhimka u ah arrimaha siyaasadda, waxaan ku dhiirigelinayey in horey loo socdo la qabto doorasho lagu kalsoonaan karo loona dhan yahay.

James Swan ayaa sheegay in loo baahan yahay wakhti dheeraad ah oo doorashadu hadda aysan ku qabsoomi karin xiligii loogu talo galay, sababta u weyn ayaa ah in habraacyada la marayo ay badan yihiin sida, In la doorto Aqalka sare, in la soo xulo ergooyin kala duwan, kadibna ay doortaan Xildhibaanada Golaha Shacabka, in Muqdisho la isugu yimaado, la dhaariyo ay galaan doorashooyinka Baarlamaanka, kadibna ay doortaan Madaxweyne, taas waxay u baahan tahay waktkhti dheeraad ah waxaana hoosta ka xariiqayaa in aan lagu qaban karin intaas 8 Feberaayo, laakiin waxaan muhimadda saareynaa sidii heshiis loo gaari lahaa.

“Doorashooyinka Soomaaliya markasta dib ayey u dhici jireen, bishii Oktoobar baarlamaanku wuxuu sameeyey sharci sheegaya in haddii wakhtigu dhamaado iyada oo aan doorasho la qaban goloyaasha dowladdu ay shaqadooda wadanayaan in laa doorasho la qabto” ayuu yiri Swan.