James Swan oo si weyn loogu soo dhoweeyay Isbitaalka Guud ee De-Martino

131

 Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Fawziya Abiikar Nuur ayaa waxa ay ku soo dhaweysay Isbitaalka Guud ee De-Martino wafdi uu hoggaaminayay ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr.James Charistopher Swan iyo madaxa Hay’dda Caafimaadka Adduunka ee Soomaliya (WHO Somalia) Dr Malik.

Wafdiga ayaa uga mahadceliy dhamaan madaxda Wasaaradda iyo shaqaalaha caafimaadka Isbitaalka guud ee De-Martino sidii geesinimada lahayd ee ay ula dagaalameen cudurka dilaaga ah ee saameeyay dunida oo dhan COVID-19.

Sidoo kale Danjire James Swan waxa uu mar labaad u mahadceliyay Shaqaalihii naftood hurayaasha ahaa ee safka hore kaga jiray ladagaalanka cudurka COVID-19