Joe Biden oo loo dhaariyay Madaxweynaha 46aad ee Mareykanka

65

Xaflad ay dad yar ka qeyb galeen oo ka dhacday xarunta Capitol ayaa Mr Biden xilka loogu wareejiyay.

Biden waa ninka tartanka adag la galay Donald Trump, wuxuu ahaan jiray madaxweyne ku-xigeenkii hore ee dowladdii Obama, siddeedii sano ee hoggaanka Mareykanka uu hayay.

Waa siyaasi ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga ee Mareykanka, kaas oo Donald Trump uga guuleystay doorashada, wuxuuna noqday madaxweynaha 46-aad ee Mareykanka.