Joe Biden oo saxiixay wareegtooyin Madaxaweyne

68

Joe Biden oo shalay loo dhaariyay inuu noqdo Madaxweynaha 46-aad ee dalka Mareyakanka isagoo la wareegay xafiiska Aqalka Cad ayaa saacado kadib dhaartiisa saxiixay wareegtooyin Madaxaweyne oo uu ku laalay wareegtooyin hore uu u dhaqangaliyay Madaxweynihii isaga ka horreeyay ee Trump

Madaxweynaha cusub wareegtooyinka uu saxiixay waxaa kamid inuu hakiyay xayiraaddii safar ee Madaxweynihii hore ee Trump uu kusoo rogay 7 waddan oo kamid ah dalalka Muslimiinta oo Soomaaliya ay kujirto in doodkooda ay u socdaalaan Mareykanka.

Amarkan ayaana dad badan u dhashay dalalka xayiraadda lagu soo rogay si weyn u saameeyay afartii sano ee lasoo dhaafay, waxa uu sidoo kale joojiyay darbigii Trump uu ka dhisayaay xadka Mareykanka uu la wadaago Mexico.