Sunday, October 17, 2021
Bogga Hore Wararka Manta Jubbaland oo Amar kusoo rogtay Shirkadaha ka shaqeeya xoolaha Udxiyada

Jubbaland oo Amar kusoo rogtay Shirkadaha ka shaqeeya xoolaha Udxiyada

25

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Maanta soo saartay Amar cusub oo ku socda hay’addaha, shirkadaha, shaqsiyaadka iyo dhammaan cid walba oo ku shaqo leh xoolaha la gowraco Udxiyada ee Ciida Carafo.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee Jubbaland ayaa waxaa dhammaan hay’addaha iyo shirkadaha ka shaqeeya Udxiyada lagu wargeliyay inay iska soo diiwaan-galiyaan Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Maamulka.

Jubbaland ayaa sheegtay in aan la qali karin xoolo aysan fasaxin Wasaaradda oo mas’uuliyad weyn ka saaran tahay ilaalinta Caafimaadka xoolaha la gowraco xilliga Ciida Carafo, iyagoona xusay inay diyaariyeen khaqaatiir ka howlgeli doonta baaritaanka.

Sidoo kale Jubbaland ayaa ku amartay hay’adaha, shirkadaha, shaqsiyaadka iyo dhammaan cid walba oo ka shaqeyneysa xoolaha Udxiyada inay gowracaan Xoolaha sida Geela, Lo’da, iyo Ariga, lana hubiyo Caafimaadkooda.