Jubbaland oo eedeymo culus u jeedisay DF Soomaaliya

26

Maamulka gobolka Gedo ee Jubbaland ayaa soo saaray eedeymo culus oo ku socda dowladda Soomaaliya iyo hey’adda Nabad sugidda ee NISA.

Qoraalka ka soo baxay Jubbaland ayaa lagu sheegay in uu yimid kadib markii ay shir isugu yimaadeen mas’uuliyiinta maamulka gobolka Gedo ee Jubbaland, waxaana shirkaas guddoomiyey Maxamed Muxumed Maxamed oo ah guddoomiyaha Jubbaland ugu magacaaban gobolka Gedo, sida lagu sheegay qolaaka.

Sidoo kale qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in xaalada Gobolka Gedo “ay tahay mid faraha ka sii baxeysa ayna ka faa’iideysteen Al-Shabaab.