Jubbaland oo gacanta ku dhigtay qaraxyo iyo shaqsiyaadkii watay

42

Ciidamada Nabad Sugidda Jubbaland ayaa sheegay in hawlgallo ay ka sameeyeen gobolka Jubbada Hoose ay ku fashiliyeen miinooyin ay Al-Shabaab dhulka ku aaseen.

Miinooyinka ayaa waxa ay sheegeen Ciidamada Nabad Sugidda Jubbaland in la geliyay wadada xiriirisa Goobweyn iyo Yoontooy oo ka wada tirsan Jubbada Hoose.

Ciidamada ayaa sidoo kale waxaay sheegeen in ay gacanta ku soo dhigeen rag lagu tuhunsan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab , miinooyinkana aasay.

Inkasta oo aysan warbaahinta la wadaagin tirada iyo magacyada shaqsiyaadka ay soo qabteen, ayaa waxa ay sheegeen in ay ku wadaan baaritaanno.

Ciidamada ayaa weydiistay shacabka in ay ka garab istaagaan, dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo ay ka wadaan gobollada Jubbooyinka .