Jubbaland oo guddi u saartay dadkii lagu laayey degmada Ceelwaaq

56

Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa guddi u saaray dadkii shacabka ah ee dhowaan ciidamada Kenya ay ku dileen degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Guddiga oo ka kooban shan xubnood oo laga sugayo inay si deg-deg ah u soo baaraan dhacdadaasi ayaa waxaa Guddoomiye looga dhigay Wasiirka amniga dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan).