Jubbaland Oo Ka Hadashay Shirka Dhuusamareeb Ee Ku Baaqay Farmaajo

41

Maamulka Jubbaland ayaa soo dhaweeyay Shirka maalinta berri ka furmaya Magaalada Dhuusamareeb ee uu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo isugu yeeray Madaxda maamul Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir.

Wasiirka Warfaafinta Jubbaland Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed oo la hadlay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa u sheegay in maamulkiisa uu soo dhaweynayo Shirka lagu baaqay oo looga hadli doono khilaafka hareeray qabsoomida doorashada dalka.

Waxaa uu sheegay Wasiirka in shirka haatan uu yahay mid loo baahnaa in mar horey la qabo, si xal looga gaaro muranka doorashada, iyadoona 30-kii bishaan maamulada Puntland iyo Jubbaland ku baaqeen Shir wadatashi ah oo xal raadin ah.