Jubbaland oo shaaciyey arrimaha la’isku fahmi la’yahay ee shirka Muqdisho

25

Agaasimaha Warfaafinta maamulka Jubbaland Mohamed Ahmed Sabriye ayaa war kasoo saaray shirka Muqdisho isagoo sheegay in ay jiraan waxyaabo dhowr ah oo loo baahan yahay in si gaar ah loo eego, waxaana uu sheegay in ay jiraan caqabada heysata shirka Madaxweyne Farmaajo, Madaxda Puntland iyo Jubbaland.

“Madaxweynaha Jubbaland Miiska wada hadalka kuma fadhiyo Jubbaland oo Gedo ka maqan tahay, wuxuu ku fadhiyaa Jubbaland-ta Guud, Heshiis guudna waxaa uu iman karaa marka Gedo gacanta Jubbaland lagu soo celiyo” ayuu yidhi afhayeenka u hadlay jubaland.

Sidoo kale wuxuu sheegay in sababta keentay in xiligaan laga hadlo Gobolka Gedo ay tahay mid daba socota shirkii Dhuusamareeb2 oo uu sheegay in uu gogol xaar u ahaa doorasho dalka ka dhacada.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa haatan ah mid cakiran, waxaana dib u dhac ku yimid shirkii u dhexeeyey dowladda dhexe, Jubbaland iyo Puntland