Jubbaland Oo Shuruud Ku Xirtay Qabashada Doorashada Xildhibaanada Barlamaanka

39

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa shuruud sii cakirineysa khilaafka doorashada ka dhaceysa Soomaaliya ku xirtay ka qeyb galka Shirka looga hadlayo Arrimaha doorashada oo la filayo inuu dhaco.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Jubbaland Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed ayaa waxaa uu sheegay in maamulkiisa uusan qaban doonin doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ilaa iyo Jubbaland gacanta looga soo gejiyo Gobolka Gedo ee Maamulkaas.

Waxaa uu sheegay in muhiim ay tahay in dowladda Federaalka ay Jubbaland dib gacanta ugu soo celiso Gedo, si loo qabto doorashada ka dhaceysa Magaalada Garbahaarey, hayeeshee haddii ay taas dhici weydo aysan wax doorasho ah qabaneyn.