Jubbaland Oo soo dhaweysay Shirka Uu Ku Baaqay Madaxweyne Farmaajo

14

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa ka hadashay Shirka mar kale uu Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Madaxweyne Cabdullaahi Farmaajo isugu yeeray Madaxda dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, kaasi oo ka dhacaya Magaalada Garoowe.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay Shirka uu ku baaqay Farmaajo ee looga hadli doono xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo khilaafka ka taagan doorashada dhaceysa oo furmi doona 15-ka bishaan Febraayo.