Jubbaland Oo Taageertay Warbixintii Guddiga Xaqiiqo Raadinta Ee IGAD

68

Shirka Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa  waxaa looga hadlay Arrimaha Amniga, Doorashooyinka iyo warbixintii Guddiga xaqiiqa raadinta IGAD. Dood dheer iyo falaqeyn kadib waxay goluhu isku raaceen in arrimaha soo socda lala wadaago ummada Soomaaliyeed iyo Beesha caalamka.

1-Goluhu wuxuu soo dhaweynayaa warbixintii Gudiga xaqiiqoraadinta ee IGAD taas oo Goluhu u arkey warbixin xaqiiqa ahdhanna aan u xaglineynin, Waxaa Dowlad goboleedka Jubbaland ku noqotey arrin la yaab leh dacwadii ay DFS ka gudbisey IGAD inay ku jirto aflagaado qayaxan oo loo gaystey Madaxweynaha Dowlada aan walaalaha nahay ee Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geele iyo qodobo badan oo lagaga been abuurtay ciidamada Daraawiishta Jubbaland, Xaalada gobolka Gedo, Ganacsiga iyo kuwa kaloo badan taas oocadeynaysa masuuliyad xumada hogaanka dalka