Jubbaland oo warsaxaafadeed kasoo saartay arrimaha doorashooyinka dalka

30

War-saxaafadeedkan kasoo baxay Jubbaland ayaa marka hore waxaa lagu sheegay in Maamulka uu diyaar u yahay dalka ay ka qabsoonto doorasho waqtigeeda ku dhacda, kuna saleeysan hufnaan loona dhan yahay oo ah xor iyo xalaal.

Jubbaland ayaa sheegtay inay qeyb weyn ka qaadatay shirarkii is-daba jooga ahaa ee looga hadlaayay Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya iyo heshiiskii Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada heshiis rasmi ah uga gaareen Doorashada.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in jubbaland ay fahamsan tahay muhiimada ay leedahay kana Shaqeyneyso in dalka ay ka qabsoonto doorasho waqtigeda ku dhacda, hufnaan ku saleysan, loo siman yahay xor iyo xalaalna ah, taas oo Soomaaliya u horseedi karta midnimo iyo dowlad Wanaag.

Sidoo kale jubbaland waxaa ay sheegtay in qeyb weyn kasoo qaadateen shirarkii looga hadlayay Arrimaha doorashooyinka dalka, taas oo ugu dambeyn sababtay in heshiis doorasho lagu gaaro 17-kii bishii siteember Magaalada muqdisho.

Madaxtooyada jubbaland oo sigaar ah uga hadashay Arrimaha doorashooyinka Baarlamaanka ee la filayo in lagu qabto degaannada Jubbaland ayaa waxaa ay sheegtay inay dalbanayaan in gacanta Maamulka lagu soo celiyo Gobolka Gedo si ay ugu qabtaaan doorashada.

“ Dowlad goboleedka Jubbaland waxaa ay dalbaneeysaa in gacanta dowlad goboleedka lagu soo celiyo maamulka, garsoorka iyo Amniga Gudaha gobolka Gedo, taas oo Ciidamo u abaabulan qaab jabhadeed oo ka amar qaata saraakiil ka tirsan NISA la wareegeen muddo hadda laga joogo 10 Bilood, isla markaana aysan doorasho ku qaban karin meel aan sharci iyo kala dambeyn ka jirin sida hadalka loo dhigay.

Ugu dambeyn Maamulka Jubbaland ayaa ugu baaqay Ummadda Soomaaliyeed uga garnaqaan caqabadaha uu wadanka wajahayo, sidoo kale inay Beesha Caalamka markhaati  ka noqoto xaalada cakiran ee xilligan  si looga baaqsado khalqal amni qalalaase siyaasadeed iyo firaaq dastuuri ah.

 

 

Jubbaland ayaa dalbatay in gacanta Maamulka lagu soo celiyo Gobolka Gedo oo ay gacanta ku hayaan Ciidanka dowladda Federaalka ay kal horey halkaas ku daabushay, waxaana Maamulka uu sheegay in Ciidankaas yihiin Jabhad ka amar qaata Saraakiisha Nabadsugida dowladda Federaalka.

Waxaa kaloo Jubbaland caddeeysay in Gobolkaas aan lagu qaban karin Doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ilaa iyo inta laga saarayo Ciidanka markii horey halkaas lagu daadulay, kadibna gacanta loogu celiyo maamulka.

Ugu dambeyntii   Jubbaland ayaa tilmaamay in marar badan kusoo cel-celisay War-saxaafadeedyo oo ay caddeyneyso in xad-gudubyo lagu haayo Gobolka Gedo ee ka tirsan Maamulkaas, isla markaana dowladda Federaalka geysay Ciidamo farabadan.