Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo Galmudug oo taageeray go’aanka shirkii Garoowe

54

Madaxweynayaasha maamullada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabelle oo yeeshay kulan qadka taleefanka ah ayaa soo dhoweeyey qodobadii ka soo baxay shirkii magaalada Garoowe ee ay yeesheen Madaxweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland, Axmed Madoobe iyo Deni.

Warsaxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen maamullada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabelle ayaa waxa ay ku sheegeen inay aqbaleen shirka wada-tashiga ee ay ku baaqeen madaxdaasi, kaas oo dhowaan ka dhacaya magaalada caasimada ah ee Muqdisho.