Sawirro: K/Galbeed oo bilowday olole lagu wacyi-gelinayo barakacayaasha

43

Wasaaradda Warfaafinta koonfur Galbeed Soomaaliya  iyadoo Kaduuleysa dardar gelinta arimaha wacyigalinta Bulshada ,faafinta Fariimaha dowliga ah iyo baahinta adeegyada Warbaahineed waxay wasaaraddu u qeybisey Barakacayaasha ku nool xeryaha Magaalada Baydhabo Raadiyaal FM ah oo ay dadku kadhageysan karaan Idaacadda Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta iyo wacyigelinta bulshada Mudane ilyaas Saciid Cali (Ilyaas Qalinle) ayaa ku booriyey barakacayaasha loo qeybiyey Raadiyaalka FM ah in ay kudadaalaan lasocodka fariimaha dowladda si dhawna ay ula socodaan idaacadda ku hadasha codka Shacabka.

Wasiirka ayaa dhanka kale barakacayaasha ubalan qaadey in si dhaw ay ulasocon doonaan akhbaaradka dadka kunool xeryaha barakacayaasha ah si taa lamid ahna looga baahan yahay horjoogiyaasha KAAMAMKA inay badiyaan laxiriirida warbahinta dowladda si baahiyahooda TVga iyo Raadiyuhuba loogalasocodo.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-