Waxaa magaalada Baydhabo haatan ka socota xaflad ballaaran lagu shaacinayo natiijada imtixaanka fasalka 8-aad ee dugsiyada dhexe ee deegaanada K/Galeed Soomaaliya.
Mas’uuliyiin kala duwan ayaa ku sugan madasha, waxaana la filayaa in goor dhow wasaaradda waxbarashada hidaha & tacliinta sare ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay si rasmi ah u shaaciso natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad.
Koonfur Galbeed ayaa ka mid ah deegaanada ay ardayda badan u fariisteen imtixaanaadka mideysan ee dugsiyada dhexe iyo kuwa sare ee ay qaaday dowladda Soomaaliya.
