K/Galbeed oo tababar u furtay gabdhaha suxufiyiinta ee Baydhabo+Sawirro

162

Wasaaradda warfaafinta Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta tababar heer sare ah u furtay gabdhaha wariyeyaasha ah ee ka howlgala magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Siminaarka ayaa socon doono hal maalin, waxaana munaasabadda furitaanka ka qeyb-galay wasiirka warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed, wasiirka haweenka, guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Koonfur Galbeed iyo agaasimayaasha warbaahinta magaalada Baydhabo.

Ilyaas Saciid Cali (Ilyaas Qalinle ) wasiirka warfaafinta Koonfur Galbeed oo madasha ka hadlay ayaa tilmaamey in wasaaraddiisu ay ka go,antahay horumarinta iyo tayeynta gabdhaha suxufiyiinta ah ee ka howlgala dhammaan deegaanada maamulkaasi.

Sidoo kale wuxuu kula dar-daarmay gabdhaha suxufiyiinta da’da yar ee nasiibka u yeeshay cilmi kororsigan inay ka faa’iideystaan, islamarkaana wixii la baro ay dib ugula noqdaan xarumaha ay ka shaqeeyaan, gaar ahaan Idaacadaha iyo Telefishinada ee ku yaalla magaalada Baydhabo.