Kal-fadhiga labaad ee Baarlamaanka KG oo Maanta furmaya

35

 Munaasabad lagu Daah furayo Kal-fadhiga labaad ee Baarlamaanka Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta oo Isniin ah lagu qabto Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb-geli doona madax uu kamid yahay guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari & wufuud kala duwan oo ka kala socda Maamul Goboleedyada.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa la filayaa in munaasabadda uu khudbad ka jeediyo, taas oo uu uga hadli doono xaalada siyaasadeed ee dalka iyo xaaladaha kajira degaannada Koonfur Galbeed.

Sidoo kale Mas’uuliyiinta kale ee ka  qeyb-galeysa munaasabadda furitaanka kal-fadhiga labaad ee Baarlamaanka Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay halkaasi ka jeedin doonaan khudbado kala duwan oo ay kaga hadlayaan xaalada dalka.

Ammaanka Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa Maanta aad loo adkeeyay.