Kalfadhiga 2aad ee Baarlamanka KGS oo la shaaciyay xiliga uu furmi doono.

43

Gudoomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Amb Dr. Ali Said Faqi ayaa Maanta shir gudoomiyay kulanka Guddiga joogtada Baarlamanka  waxana  ka soo qeyb galey Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamanka Marwo Shamso Maxamed yarrow  iyo Xoghayaha guud ee Baarlmanka Dr Liiban .

 kulanka looga hadlaayay qaban qaabada Munaasabada furitaanka Kalfadhiga 2aad ee Baarlamanka Koonfur galbeed oo furmi doono  19-ka Bishan .

Munasabadaan ayaa waxa loo xilsaaray Gudi xildhibanao ah oo ka tirsan Barlamanka maamulka Koonfur Galbed Soomaaliya  waxaana loo xilsaaray in  Gudigaan  ay ka shaqeeyaan siidii Munasabadaan u qabanqaabin lahayeen.

Munaasabadan ayaa waxa la filaya in ka soo qeyb geli doonan Masuuliyiin ka socoto Dowladda Federalka Soomaaliya xubno kale uu laga Casuumay Dowlad Goboledyadda Kale ee dalka.

 Gudoomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Amb Dr. Ali Said Faqi ayaa Gudigaan kula dardaarmay in ay si heer sare ah ay u soo dhaweeyaan Wafuuda kal duwan ee  imaaneyso Beydhabo si ay uga qeyb galaan xafladda furitaanka kalfadhiga labaad ee Barlamanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya