Kenya oo ciidamo gaar ah u direyso xadka ay la leedahay somaliya

51

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ciidamo qaba tababaro gaar ah ay dhawaan u direyso xadka ay la wadaagto somaliya si ay wax ugu qabtaan dhibaatooyinka dhinaca amni darada

Madaxweynaha dalkaasi uhuru Kenyatta oo ka qayb galay munaasabad tababar loogu xirayey ciidamo booliis ah ayaa sheegay in waajibaadka saaran uu yahay wax ka qabashada ammaanka dalka

Waxaana uu intaasi ku daray in ciidamadaasi oo tiro ahaan gaaraya 189 askari qaar ka mid ah la geyn doonaa xadka ay la leeyihiin somaliya si ay u xoojiyaan ciidamada kale ee halkaasi hore u joogay

Madaxweyne uhuru Kenyatta ayaa wada qorshe ciidamadiisa ay ku xoojinayaan amniga si looga hortago weerarada xarakada alshabaab ay ku qaadaan gudaha wadankaasi

Ciidamo cusub ayaa la sheegay in roondooyin ay ku sameeyeen doonaan deegaanada ku dherersan xadka labada dal gaar ahaan meelaha ay ka soo galaan alshabaab

Kenya ayaa hore ugu fashilantahay hakinta weerarada alshabaab oo hore qaybo ka mid dalkaasi ugu fuliyey weeraro qasaare badan gaystay

Alshabaab ayaa waxaa inta badan ay bartilmaaeedsadaan saldhigyadda ay ciidamada Kenya ku leeyihiin deegaano ku yaala gobalka waqooyiga oo ku dhaw xadka somaliya