Kenya oo ciidamo qayb ka howl galka amisom u soo direysa somaliya

66

Dowladda Kenya ayaa diyaarineysa ciidamo badan oo ay  u soo direyso somaliya sida lagu sheegay war qoraal ka soo baxay guddiga sare ee dowladda ingiriiska

Ciidamadaasi oo tiradoodu ay gaareyso ilaa iyo 600 oo askari ayaa waxaa tababaro gaar ah ku siinaya magaalada Samburu malateriga dalka ingiriiska

Dowladda ingiriiska ayaa Kenya ka taageerada tababarada dhinaca ciidamada si ay qayb ugu noqdaan deganaanshaha iyo ammaanka bariga afrika

Ciidamada cusub ayaa la filayaa in ay qayb ka noqdaan howl galka nabad ilaalinta midowga afrika ee ku sugan gudaha soomaaliyada

Julius court oo ah sarkaal sare oo ka tirsan dowladda ingiriiska ayaa sheegay in midowga afrika ayaa ka caawinayaan ka hortaga colaadaha ee qaarada afrika

Waxaana uu si gaar ah u xusay in ay tababaro siiyaan ciidamada la diro howl galada sida Kenya oo ka mid ah AMISOM oo qayb ka mid howl nabad ilaalinta qaramada midoobay ee somaliya

Lama sheegin xilliga rasmiga ah ee ciidamada ka socda Kenya ay soo gaari doonaan somaliya

Howl galka nabad ilaalinta midowga afrika ayaa waxaa somaliya ka jooga kumanaan askari oo ka kala socda dalalka Uganda,Burundi,Kenya,Ethiopia iyo jabuuti