Kenya oo dacwad ka dhan ah Soomaaliya u gudbisay Midowga Afrika

81

Dowladda Kenya ayaa warqad qoraal oo ay kaga dacwoonayso u dirtay Guddoomiyaha Midowga Africa, waxaana ay ku carabowday walaaceedi ku saabsan in dhibaato amni iyo mid bini’aadanimo ay kusoo foodleedahay xadka ay wadagaan labada dal ee Kenya iyo Somalia kadib markii uu dib halkaasi uga qarxay dagaal u dhaxeeya Ciidanka Qaranka Somalia iyo ciidamada Jubaland.

Kenya ayaa tilmaamtay inay lasoo daristay cabsi dhinaca amaanka ah kadib dagaalkii ka dhacay degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo.

Xukuumada Nairobi ayaa shegtay in Midowga Africa uu ka falceliyo arimaha deganada xadka kasoo cusboonaday taa oo abuuri doonto amni dari baahsan oo dhinaca xuduuda ah maadama aan wali la soo celin xiriirkii diplomaasiyadeed ee Kenya iyo Somalia.

Bayaan ay soo saartay wasaaradda Difaaca dalka Kenya ayaa sheegtay inay ka digeyso sii socoshada dagaalka Beled Xaawo oo handadi karta guulaha laga gaaray dagaalka kooxaha argagixisada.

Sidaas ay jirto, dhamaan dhaq dhaqaaqyadii ganacsi ee magaalada Xadka dhacda ee Mandera ayaa

xirmay,waxaana la arkayay haween iyo caruur usii baxsanaya xadka ay wadaagaan Kenya iyo Ethiopia.

Waqti hore Wasaaradda Warfaafinta Somalia ayaa ku eedeysay Dowladda Kenya in Ciidamo ay taagereyso ay dagaal kusoo qaadeen ciidamada Somalia ee Beled Xaawo ku sugan