Kenya oo dooneyso in ay Safarad ka dhisato Somalia

28

 

Dowlada wadanka Kenya ayaa weli ku adkeysaaneyso sii joogitaankeeda diblomaasiyadeed ee Somalia sarakiil diblomaasiyadeed oo kenya u hadlay ayaa waxa ay sheegeyn in dhawaan ay bilaabi doonto dhisme cusub oo safaaradeed.

Dhismaha cusub ayaa la macno ah in Kenya aysan sii kireyn doonin goob ay ku howlgasho howlaheeda diblomaasiyadeed, taasoo u oggolaaneysa saraakiisha inay si wanaagsan u qabtaan howlaha xiriirka Soomaaliya oo arrimaha ganacsiga ugu horeeyo.
Xukumada Nairobi ayaa dooneysa inay hagaajiso xiriirka ganacsi ee rasmiga ah ee kala dhexeeya Soomaaliya.

Xaaladadaan ayaa timid kadib markii wafdi ka socda madaxda ugu sareysa ee Arimaha Dibada ay Sabtidii soo gaareen magaalada Muqdisho si ay ugala hadlaan iskaashiga Ganacsiga oo ay qeyb ka tahay in dib loo bilaabo howlihii qaadka oo ay Soomaaliya joojisay iyo sidoo kale xiriirka dhanka Amniga.

Xoghayaha guud ee arrimaha dibadda Macharia Kamau ayaa sheegay in Kenya ay u aragto xiriirka ganacsi mid ka wanaagsan kan lagu horumarin karo xiriirka guud ee ka dhexeeya dalalka.

Dalka Soomaaliya ayaa waxaa joogaa ilaa 35,000 oo Kenyan ah, oo inta badan ka shaqeeya qeybaha gargaarka iyo shirkado ganacsi.

Dhinaca kale, Qiyaastii 1.5 milyan oo muhaajiriin ah oo ka qaxay Soomaaliya ayaa ku nool Kenya, inkasta oo saddex meelood meel ka mid ah ay ku jiraan karaan xeryaha qaxootiga, taas oo ka dhalatay sannado badan oo nabadgelyo-xumo ka jirtay Soomaaliya.
Xririrkii muddo madmadow ku jiray ayaa waxa uu hadda u muuqda mid dib u soo labanayo waxana jirta in labada dal uu hadda u bilowday wadad hadal diblomasiyadeed oo dan ugu jirta labada dhinac .