Kenya oo hanjabaad cusub hawada u marisay DFS

62

Madaxweynaha dalka Kenya   Uhuru Kenyatta ayaa shir guddoominayey kulanka  Golaha Amniga Qaranka dalka Kenya oo uu digniin iyo hanjaad loogu diray dowladda Federaalka ee Soomaaliya sidda uu daabacay wargeyska lagu Magacaabo African Intelligence.

Dowlada Kenya ayaa Soomalaiya uga digtay in ciidamada Kenya ay rasaas la beegsan doonaan kuwa Soomaaliya, haddii mar kale ay rabsho ka dhacdo xuduudda labada dal.

2-dii October ayaa digniinta iyo hanjaada waxaa soo gaarsiiyay dowladda dhexe ee Soomaaliya wasiirka arrimaha dibedda Kenya Raychelle Omamo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale taliyaha Ciidanka Kenya ku amray ciidamada Kenya in uu caddeeyo in Kenya ay ka go’an tahay inay tallaabo qaado, haddii rabsho kale ay ka dhacdo xuduudda.

Qoraalkan ayaa ka dambeeyey kadib markii xiisadda labada dhinac ay sare uga kacday xuduudda daba-yaaqadii September, markaasi oo iska hor-imaad kooban uu xuduudda ka dhacay, kaasi oo ay ku lug lahaayeen ciidamada labada dal.

Xiisadda labada dal ayaa ka dhalatay markii Ciidanka Kenya ay rasaas ku fureen shacab banaanbaxayay oo ku sugnaa degmada Beledxaawo ka dib markii Kenya ay afduubatay dad Shacab ah.

Sanadii ugu dambeyey ayaa waxaa soo ifbaxayay qilaaf dhanka siyaasadda ah oo labadda dal ka dhex jiray taaso salka ku heyso arriamaha badda iyo ciidaamda Kenya ee sida sharci darrada ah u soo gala .