Kenya oo iska fogeysay eedeyn ay u jeedisay dowladda Soomaaliya

29

Afhayeenka Dowladda Kenya Cyrus Oguna oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa ugu baaqday dowladda Soomaaliya inay ka waantowdo  eedaynta ku aadan in Kenya ay faro galin ku hayso arimahooda gudaha.

Oguna ayaa sheegay in Kenya aysan aqbali doonin in lagu dhaliilo siyaasadda gudaha Soomaaliya.

“Iska horimaadyada soo noqnoqday ee u dhexeeya ciidamada Soomaaliya, kaliya ma ahan inay cabsi iyo argagax ku abuuraan dadkeenna Mandheera laakiin sidoo kale waxay horseedeysaa in dadka rayidka ah ay ka barakacaan gobolka Gedo, ”ayuu yiri Oguna.

Afhayeenka Kenya wuxuu sidoo kale beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay Kenya ee ah in ciidamadooda ka jooga Soomaaliya ay ku lug leeyihiin dhoofinta sonkorta sharci darrada ah iyo ka ganacsiga dhuxusha.

Wuxuu ku booriyay dhamaan hogaamiyaasha Soomaaliya inay abuuraan jawi sahlaya in khilaafka lagu xaliyo wadahadal.