Kenya oo maxkamadayneyso rag loo heysto weerarkii Westgate Mall

37

Maxkamad ku taala magaalada Nairobi ee dalka Kenya ay dib u dhigtay maxkamadeynta saddex ruux oo lagu tuhmayo in ay qayb ka ahaayeen weerar bishii September ee sanadkii 2013 ka dhacay caasimada dalkaasi

Xukunka lagu ridayo dadkaasi ayaa lagu waday in uu dhaco Isniinti shalay aheyd, waxaana maxkamadda ay sheegtay in ay dhaceyso Talaadada maanta ah.

Waa markii afaraad ee dib loo dhigo maxkamadeynta eedeysanayaasha, iyadoo dib u dhacyadaasi ay ka mid ahaayeen bilihii September iyo October.

Xuseen Xasan Mustaf, Liibaan Cabdulaahi Cumar iyo Maxamed Axmed Cabdi oo ah dadka eedeysanayaasha ah ayaa la soo xiray todobaad kadib markii uu dhacay weerarkii khasaaraha badan geystay ee lagu qaaday suuqa Westgate Mall ee magaalada Nairobi.

Raggaasi ayaa waxaa lagu eedeeyay in ay galeen dambiyo la xiriira argagixisinamada, taageerana ay siiyeen kooxaasi, isla markaana ay sharci daro  ku joogeen Kenya.

Weerarkaasi oo laga jooga 7 sano ayaa waxaa dacwad oogayaasha ay mudadaas ku bixiyeen sidii ay u heli lahaayeen cadeymo sax ah oo la xiriira raga laga shakisan yahay.