Khadka cusub ee maraakiibta Turkiga iyo Geeska Afrika oo Shaqo Bilaabaya

47

Warka soo baxay wadamaa  jabuuti iyo turkiga yaa waxa lagu shaaciyay in Khadka cusub ee maraakiibta ee ay aasaastay shirkadda maraakiibta ee Jabuuti wuxuu si gaar ah uga shaqeyn doonaa inta u dhaxeysa wadanka Turkiga iyo dalalka Geeska Afrika iyadoo leh laba markab oo konteynarro ah oo qaadi kara 11,000 tan iyo 20,000 tan.

Munaasabad ka dhacday dalka Turkiga ayaa Safiirka Jabuuti u fadhiya  dalka Turkiga Waxaa uu tilmaamay in Markabkii ugu horreeyay ee ah nooca konteynarada qaada ee Shirkadda Maraakiibta ee Jabuuti, oo si gaar ah uga shaqeyn doonta badda u dhexeysa wadamada  Turkiga, Jabuuti iyo Soomaaliya.

Sidoo kale safriirka  shaaciyay in tani yareynayso waqtiga maraakiibta ee qaadan jiray in ay soo gaaraan Soomaaliya 40 illaa 55 maalmood  in hadda laga dhigay sagaal illaa 11maalmood oo keliya.

Safiirka ayaa ka hadlay in tani ay tahay mid u muuqata fursad weyn oo lagu soo bandhigayo waqtiga rasmiga ah ee gaadiidka isla markaana lagu badbaadinayo cunista kharashka faraha badan.

Xadiga ganacsi ee u dhexeeya Turkiga iyo Geeska Afrika, oo kala ah Jabuuti, Itoobiya iyo Soomaaliya, waxaa lagu qiyaasay $ 518.24 milyan (TL 4.127 billion) sanadkii 2015, wuxuu gaadhay $ 846.46 milyan sanadkii 2019.

Waxa jira Xiriirka ganacsi oo u dhexeeya Afrika iyo Turkiga kaaoo  sii xoogeystay markii shirkii ugu horeeyey ee iskaashiga Turkiga iyo Afrika lagu qabtay caasimada ganacsiga ee Istanbulee wadankaasi turkiga