Khasaare Ka Dhashay Weerar Ka Dhacay Gobolka Hiiran

165

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay inay weerareen Saldhiga Ciidamada Itoobiya oo kamid ah howlgalka AMISOM ku leeyihiin degaanka Halgan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan uu ka dhacay degaanka Halgan, kaas oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Majiro khasaaro ilaa iyo hadda la shaaciyay oo ka dhashay dagaalkaas, waxaana dadka degaanka ay ku waramayaan in intii uu dagaalka socday rasaas farabadan ay kusoo dhaceysay gudaha degaanka, balse aysan u geysan wax khasaaro ah dadka rayidka ah.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Millateriga Soomaaliya qeybta 27aad ayaa waxaa ay dhankooda sheegeen inay wadaan howlgallo kala duwan oo ay ku baadi goobayaan xubnihii ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab ee degaanka weerarka kusoo qaaday.

Degaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan ee Bartmaha Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee ka tirsan AMIOSM, waxaana ay weeraro kala kulmeen Al-Shabaab, walow Saraakiisha Ciidamada ay sheegaan inay iska difaacaan.