Khasaaro ka dhashay Qarax ka dhacay deeganka Lafoole.

50

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo kala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya degaanka lafoole ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku waramaeen in qaraxa oo ahaa miino lagu Aasay Maqaaxi ku taalla bar-koontorool oo Ciidamada dowladda ay lacag ku qaadaan oo ku taalla degaanka lafoole ee gobolka Shabeellada Hoose.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxa ay ku geeriyoodeen laba askari halka ay ku dhaawacmeen Saddex ruux oo ahaa Shacabkii ku sugnaa Goobta maqaayada ah.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo ka tegay dhinaca degaanka Ceelasha Biyaha ayaa tegay halka uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka sameeyay howlgallo ay ku baadi-goobayeen dadkii ka dambeeyay qaraxa wallow aysan dad u qaban.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxa, iyaga oo sheegay inay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen askar ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa halka uu qaraxa ka dhacay.