Khasaaro Ka Dhashay Qaraxii Ka Dhacay Isgoyska Sayidka Ee Muqdisho

38

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo Maanta ka dhacay Isgoyska Sayidka ee Magaalada Muqdisho gaar ahaan Bar koontarool oo laga ilaaliyo Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, kaasi oo jugtiisa siweyn loo maqlay.

Gaari laga buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa isku dhex qarxiyey gaadiid saf ugu jiray inay ka gudbaan koontaroolka Sayidka ee lagu hubiyo gaadiidka aada dhinaca Xarunta Madaxtooyada iyo Mooto Bajaajto taagnaa Isgoyska, xiligii uu qaraxu dhacayay.

Goobjoogayaal la hadlay Dalsan ayaa u sheegay in markii horey gaariga oo nuuciisu ahaa NOHA uu xoog kusoo maray Bar koontarool oo Ciidanka Booliska ku leeyihiin Isgoyska Dabka, hayeeshee rasaas farabadan lagu furay gaari oo ku socday xawaare, wuxuuna ku qarxay gaadiid taagnaa Sayidka.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxa oo soo gaaray dad shacab ah iyo xubno kale oo ku sugnaa goobta, waxaana halkaas tegay gaadiidka gurmadka deg dega ah oo soo daabulay dad qaba dhaawacyo kala duwan.

Warar hordhac ah oo la helayo ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhinteen 5 qof, halka tirro intaas ka badana ay dhaawacyo soo gaareen, kuwaasi oo la geeyay Xarumo Caafimaad oo ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tegay aaga uu qaraxu ka dhacay, waxaana Sawirro halkaas laga soo qaaday lagu arkayay gaadiid badan oo burbur xoogan soo gaaray iyo Xarumo Ganacsi ah.

Laamaha amniga dowladda Federaalka ayaa weli wax war ah kasoo saarin qaraxaas ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan Bar koontarool oo Ciidanka dowladda ku leeyihiin Isgoyska Sayidka, halkaas oo laga ilaaliyo xarunta Madaxtooyada.