Khasaaro nafeed oo ka dhashay Roobab ka da’ay Magaalada Muqdisho

44

Warar dheeraad ayaa laga helayaa Carruur ku geeriyootay Guri ku yaalla xaafadda Buula-xuubey ee degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, kadib markii Guriga ay ugu galeen daadadkii ka dhashay biyaha Roobka ka da’ay Magaalada Muqdisho

Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in Carruurta ay biyo farabadan ugu galeen Gurigii ay ku sugnaayeen, waxaana goobta ku geeriyootay in ka badan 6 Carruur oo qaarkood ay biyaha roobka ay qaadeen.

Rag dhalinyaro ah oo degan xaafadda Buula-xuubey ee degmada Wadajir oo gurmad u sameeyay qoyska ay Carruurta ka dhinteen ayaa soo badbaadiyay Carruur kale oo ku jiray Guriga.

Sidoo kale Guriga ay biyaha roobka ka da’ay Magaalada Muqdisho galeen ayaa qeyb kamid ah soo dumay, sida lagu arkayay Sawirro laga soo qaaday Gurigaas, waxaana dhex ceegaaga biyo badan.

Maamulka Gobolka Banaadir iyo kan degmada Wadajir ayaan weli ka hadlin Carruurta ku geeriyootay Guri ku yaalla xaafadda Buula-xuubey, waxaana xiliyada roobabka da’aan dhibaatooyin la kulma qoysas danyar oo guryahooda ay galaan biyo.

Saacadihii lasoo dhaaafay ayaa waxaa Caasimadda dalka ee Muqdisho ka da’ayay roobab xoogan oo biyo dhigay waddooyinka waaweyn ee Mgaalada, waxaana Jawiga Maanta uu yahay mid qabow ah, xili maalmihii dambe la dareemayay kuleyl.