Khayre oo caawa ku dhawaaqay inuu yahay musharrax Madaxweyne

104

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa caawa ku dhawaaqay inuu yahay musharrax u taagan xil ka Madaxweynaha ee doorashada 2020/21-ka.

Qoraal uu soo saaray Khayre ayuu ku sheegay inuu dadka iyo dalka ugu adeedayo si hufnaan iyo karti leh.

Halkan hoose ka aqriso:-

Bismillah,

Walaalayaal, waxaan shaki ku jirin in labaatankii sano ee la soo dhaafay ay dawlanimadeennu hore u socotay, tallaabadeeduba ha gaabnaatee. Muddo xileedkii 5aad ee geeddi socodkaas, ummadda Soomaliyeed waxaan ugu soo adeegay mas’uuliyad Ra’iisul Wasaare. Xilkaas oo waxna lagu soo qabtay, Alle mahadii waxna laga soo bartay.

Hadda oo la sugayo hannaan loogu gudbo muddo xileed cusub ee dowladda Somaliyeed, waxaan fikir iyo talo wadaag dheer kaddib halkan idinkula wadaagayaa musharaxnimadayda jagada Madaxwaynaha JFS. Anigoo si dhab ah u fahamsan fursadaha iyo caqabadaha la xiriira hoggaaminta iyo waxqabadka dalkeennu u baahan yahay maanta iyo mustaqbalkaba, waxaan markale isu soo qaddimayaa in aan dadkayga ugu adeego si ay ku dheehan tahay karti, hufnaan iyo daacadnimo.