Khayre oo kulan xasaasi ah la qaatay guddoomiyaha Aqalka Sare

81

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulan gaar ah la qaatay guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Kulanka oo ka dhacay hoyga uu magaalada Muqdisho ka dagan yahay Khayre ayaa ahaa mid is xog wareysi ah oo ay yeesheen labada mas’uul.

Sidoo kale waxa ay ka wada-hadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan marxaladda kala guurka ah ee haatan lagu jiro.

“Sharaf ayey ii ahayd la kulanka guddoomiyaha Aqalka Sare mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo maanta isoo booqday. Waxaan uga mahadceliyay kaalintii uu ka qaatay hannaanka loogu gudbayo muddo xileed cusub ee dowladda Soomaaliyeed.” ayuu yiri Mudane Xasan Cali Khayre.

Ra’iisul wasaarihii kalsoonida lagala noqday oo haatan ah musharrax Madaxweyne ayaa dhowaan la kulmay guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Maxamed Sh. Cismaan (Jawaari).