Khayre oo maanta safar ugu amba-baxay dalka Jabuuti

36

Mudane Xasan Cali Khayre ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa maanta safarkiisii ugu horeeyay dalka uga baxay tan iyo markii xilka laga qaaday 25-kii bishii July ee sanadkan.

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa u dhoofay dalka Jabuuti, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Khayre ayaa bishii hore ku dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ee doorashada soo socota 2020/2021.

Safarka Khayre ayaa sidoo kale ku soo aadaya, iyadoo isla maanta uu safarkiisii ugu horreeyay dalka uga baxayo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble tan iyo markii xilkan loo magacaabay 17-kii bishii hore ee Sebtember, kaas oo isna ku wajahan dalka Kuwait.