Kheyre oo gaaray Dhuusamareeb

31

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Goordhow gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug.

Ra’iisulwasaare Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Ugaas Nuur kusoo dhaweeyay madaxweynayaasha Galmudug, Jubbaland, Koofur Galbeed iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Intaas kadib Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa waxaa loo galbiyay gudaha Magaalada Dhuusamareeb, waxaana inta uu halkaas ku sugan yahay kulamo kala duwan uu la qaadan doonaa Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada dalka oo ku sugan halkaas.

Wejiga labaad ee shirka Dhuusamareeb oo u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ayaa maalmaha soo socda furmi doona, kaasoo looga arrinsanayo hannaanka doorashada ee dalku galayo.