Khilaaf salka ku haya kulanka maanta ee BF oo ka dhex qarxay golaha Aqalka Sare

23

“Wargelin: Dhammaan Senatarada Golaha Aqalka Sare ee BFS waxaa lagu wargelinayaa in uusan jirin kulan wadajir ah oo Madaxweynuhu kasoo codsadey Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare si waafaqsan Qod.57aad (c) ee Dastuurka KMG ah iyo Qod.59 aad (4) ee Xeerhoosaadka Golaha. Sidaas darteed, ma jiro kulan wadajir ah oo ay xubnaha Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u ballansan yihiin birito oo taariikhdu tahay 06 Jannaayo 2021,” ayaa lagu yiri qoraalka guddoomiye Cabdi Xaashi.

Intaas kadib waxaa qoraal kale soo saaray Senetor Ayuub Ismaaciil Yuusuf oo sheegay in iyagoo gudanaya waajibaadlka saran ay maanta ka weyb gelayaan kulanka wadajir ah ee baarlamaanka federaalka.

“Annaga oo ah xubnaha Aqalka Sare, waxa aan gudanaynaa waajibaadkeena dastuuriga iyo kan mas’uuliyadda qaran ee na saarran. Waxa aan si hubaal ah u caddaynaynaa in aan ka qeybgali doonno fadhiga guud ee ay iskugu imaanayaan xubnaha Golayaasha Aqalka Sare iyo Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri Senetor Ayuub oo qoraalkan soo dhigay bartiisa Facebook-ga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa maanta lagu wadaa inuu hor tago labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, isagoo ka soo amba baxaya Dhuusamareeb, kadib markii xalay lagu dhawaaqay inuu fashilmay shirkii madaxda dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.