Khilaafkii ugu xumaa uu soo kala dhex galay madaxda Al-Shabaab

34

Khilaaf aad u xoogan ayaa soo kala dhex galay  saraakiisha  ugu sareeya Al shabaab, taasoo sababtay in Hoggaamiyaha  ugu sareeya  kooxdaasi Axmed Diiriye uu u ka tagay deegaano ka tirsan gobolka Gedo.

Hay’ada sirdoonka iyo nabad sugida Jubbaland  ayaa shaaca ka qaaday in ay isku dhaceen sarkaal la yiraahdo Fiidow oo inta badan Al-Shabaab u qaabilsan Koofurta Soomaaliya.

Sidoo kale Sirdoonka Jubbaland ayaa sheegay in khilaafka uu soo  shaac baxay asbuucan, iyadoona arintaasi ay keentay in saraakiil loo dilay khilaafka, halka kuwa kalana xabsiga la dhigay.

Gashaanle Sare Khaalid Cabdullaahi Cumar taliyaha Hay’ada  sirdoonka iyo nabad sugidda Jubbaland oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Al-Shabaab ay dileen Sarkaal lagu magacaabi jiray Cabdi Fatax Baare, kaasi oo si weyn ugu howlgali jiray deegaanada Jubbada Hoose, halka ay xabsiga dhigeen nin uu magaciisa ku sheegay oday Guure, waa sida uu hadalka u dhigay.

Taliyaha ayaa sheegay in ay muhiim tahay in loo baahyan yahay in dagaal adag lala galo dagaalameyaasha Al-Shabaab, si looga faa’ideysto khilaafka soo kala dhex galay.