Wasaaradda caafimaadka dowlad goboleedka Puntland oo soo saartay warbixin cusub ayaa faah faahisay xaaladaha Coronavirus ee deegaanada maamulkaasi.
Warbixinta wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in maalmihii u dambeeyey ay sare u kaceen kiisaska Covid-19 ee Puntland.
Sidoo kale qoraalka wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in xanuunka laga baaray labadii maalmood oo la soo dhaafay 116 qof oo 4 qof oo ka mid ah laga helay xanuunka safmareenka ah ee Covid 19.
Ugu dambeyn warbixinta wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa lagu shaaciyey in cudurka Covid-19 ay ka bogsoodeen illaa saddex qof oo kale.