Kolonyo Uu La Socday Wasiir Goodax Oo Qarax Lala Beegsaday

133

Wasiir Goodax Barre ayaa markii qaraxa lala eeganaayay waxa uu ku socdaalayay wadada isku xirta Doolow iyo Balad-Xaawo gaar ahaan deegaanka Uunsi ee Gobolka Gedo.

Wasiirka Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ka badbaaday Qaraxa Miino oo lagula beegsaday gobolka Gedo sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta gobolka Gedo.

Mas’uuliyiinta gobolka Gedo ayaa xaqiijiyay in Khasaare dhimasho ah uusan jirin laakiin dhaawacyo ay jiraan, Wasiirkana hadda uu ku suganyahay degmada Dollow.