Kolonyo uu la socday Xasan Sheekh oo lagu rasaaseeyay Magaalada Muqdisho

16

Waxaa goordhaweyd Magaalada Muqdisho lagu rasaaseeyay Kolonyo uu la socday Madaxweynihii hore Soomaaliya  Xasan Sheikh Maxamuud, waxaana kasoo baxaya faah faahinno dheraad ah oo ku aaddan Rasaasta lagu furay Madaxweynaha iyo ilaaladiisa.

Illo ku dhaw dhaw madaxweynihii hore Xasan Sheikh ayaa xaqiijiyay in rasaasta lagu furay kolonyada uu la socday, waxayna sheegeen inaanu jirin wax khasaare ah oo ka dhashay rasaasta lagu furay kolonyada.
waxaana  lagu rasaaseeyay agagaarka maxkamadda gobolka Banaadir, xilli  uu ku wajahnaa shir ay wada lahaayeen Midowga Murashixiinta.

Wali Xasan Sheikh kama hadlin Rasaasta la sheegay in lagu furay Kolonyada galbinaysay, waxaana halka lagu Rasaasiyay jooga oo baro koontarool kuleh ciidanka asluubta Soomaaliya.