Kongreska oo markale soo jeediyay xil ka qaadista Trump

36

Aqalka Kongreska ee dalka Mareykanka ayaa markale soo jeediyay in xilka laga qaado madaxweyne Donald Trump kadib markii ay u codeyeen inta badan.

Afhayeenka Kongreska, Nancy Pelosi ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in markale aqalka ay hogaamiso uu soo jeediyay in xilka laga qaado madaxweyne Donald Trump, waxaana xil ka qaadistiisa loo gudbinayaa aqalka sare ee Mareykanka.

Xildhibaano gaaraya 232 oo katirsan Kongreska ayaa u codeeyay xil ka qaadista Trump kadib markii lagu eedeeyay “kicin dadweyne iyo xil gudasho la’aan”.

Arrintan ayaa ka dhalatay weerarkii taageerayaasha madaxweyne Trump ay dhawaan ku qaadeen aqalka wakiilada ama Kongreska ee dalka Mareykanka.

Sidoo kale xildhibaano gaaraya 10 oo katirsan isla xisbiga uu madaxweyne Trump hogaamiyo ayaa sidookale u codeeyay xil ka qaadistiisa, halka 197 xildhibaan oo katirsan isla xisbiga Jamhuuriga ee madaxweyne Trump ay kasoo horjeesteen.

Xil ka qaadista ay soo jeediyeen aqalka Kongreska ayaa ka duwan tii hore oo markii hore ma aysan jirin xildhibaan katirsan xisbiga madaxweyne Trump oo u codeeyay soo jeedinta xil ka qaadistiisa.