Koonfur Galbeed Iyo AMISOM Oo Ka Shiray Howlgalo Ka Socda Gobol

38

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa kulan la qaatay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM.

Kulanka oo ka dhacay Magaalada Baraawe ayaa waxaa looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee Gobolka dhinaca amniga iyo howlgalada Ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ka wadaan halkaas.