Koonfur Galbeed Oo War Kasoo Saartay Duqeyntii Ka Dhacday Bakool

48

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ka hadlay duqeyn diyaaradeed oo xalay ka dhacday deegaanka Ma’moodow oo qiyaastii 40-KM u jira degmada Xudur ee Gobolka Bakool, halkaas oo ay gacanta ku hayaan Al-shabaab.

Qoraal ay soo saartay Wasaaradda amniga Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu sheegay in duqeynta diyaaradeed ay fuliyeen Ciidanka Mareykanka ee Afrika, isla markaana lala beegsaday xubno ka tirsan Al-shabaab oo ku sugnaa deegaanka Ma’moodow.

Wasaaradda ayaa sheegtay in duqeyntii xalay dhacday lagu dilay Saraakiil kamid ah Al-shabaab oo ku tilmaameen inay ka qeyb qaadanayeen dhibaateynta shacabka Gobolka, waa sida hadalka loo dhigay