Koonfur Galbeed oo soo saartay go’aan ka dhan ah ciyaaraha gobolka Banaadir

45

Wasaaradda dhalinyarada & ciyaaraha ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ka hadashay tartanka ciyaaraha ee degmooyinka gobolka Banaadir, kadib markii isku aadka tartankaasi lagu soo daray degmada Afgooye oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Qoraalka wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in degmooyinka Koonfur Galbeed aysan ka qeyb-geli karin ciyaaro aysan si rasmi ah ugu metalin degmada iyo Koonfur Galbeed.

Sidoo kale warsaxaafadeedkan ayaa waxaa lagu sheegay in aysan jirin ciyaar ay degmada Afgooye uga qeyb-galeyso magaalada Muqdisho oo lagu casuumay.

Halkan hoose ka aqriso:-