Koox amni darro ka watay Kismaayo, kana tirsan Al-Shabaab oo la qabtay

39

Taliska ciidamada Booliska magaalada Kismaayo ayaa ka warbixiyey howl-gallo lagu soo qabtay saddex ruux oo lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin kooxda Shabaab kuwaas oo falal amniga lid ku ah ka waday magaaladaasi.

Booliiska ayaa ragga gacanta lagu soo dhigay ku eedeeyey inay dambeeyeen falalkii amni darrada ee ka dhacay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland.

“Fashilinta iyo soo qabqabashada shabakadaan ayaa timid kadib markii ay ciidanka nabad-sugidda iyo sirdoonka Jubbaland ay howlgallo xiriir ah ka sameeyeen xaafadaha magaalada Kismaayo” ayaa lagu yiri War kasoo baxay taliska.

Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada Jubbaland ayaa xoojiyey howl-gallada lagu xaqiijinayo amniga iyo kuwa ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda deegaanada maamulkaasi.