Koox hubeysan oo dad Shacab ah ku dilay Shabeellada Hoose

36

Faahfaahino dheerad ah ayaa waxa laga helayaa Koox hubeysan  oo deegaanka Basra ee hoostaga gobolka Shabeellada Hoose ay maanta  ku dileen dad shacab .

Qaar ka mid ah Dadka deegaanka ayaa sheegay in Afar ruux ay ahaayeen kooxda hubeysani ee falkan dilka ah gaystay, lamana oga sababta ka dambeysa dilkan.

Dadka la dilay oo dhamanatood ahaa shacab  ayaa waxa ay ku sugnaayeen Beero ku yaalla deegaanka,Basra waxaana  la soo sheegayaa in kooxda hubeysani ay dileen Labo ka mid ahaa dadkii goobta ku sugnaa.

Dhawaan ayaa deegaankan Basra waxaa laga saaray Maleeshiyaadka  Al-Shabaab, kuwaas oo maamulayay sanado badan, kadib dagaal dhex maray Ciidamada Maamulka gobolka shabeellada Hoose oo garab ka helayo kuwa Ciidamada Militariga  dowladda Soomaaliya.

Xaaladda ayaa hadda ah  mid degan  waxaa goobta  gaaray Ciidamada amaanka oo ku raad jooga kooxdii Falkaasi geesatay wixi ku soo kordho dhacdadaani Kala Soco Najahonline.net