Koox hubeysan oo laba qof ku dishay deegaan hoos taga Cadaado

58

Wararka aan ka heleyno gobolka Galgaduud waxay sheegayaan in deegaan u dhaw magaalada Cadaado lagu dilay laba nin oo shacab ah.

Dilka raggaas ayaa xalay ka dhacay deegaanka Miro-Cowleed oo hoos taga degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Wararka aan heleyno waxay sheegayaan in ragga la dilay oo la socday gaari qaad siday oo ka yimid dhanka xuduuda Itoobiya ay wadada u galeen koox hubeysan.

Waxaa la sheegay inay u socdeen dhanka deegaanka Galinsoor, waxaana goobtii ka baxsaday kooxdii dishay.

Wararkii u dambeeyey ee aan saakay ka heleyno deegaanada u dhow halka uu dilkaasi ka dhacay ayaa sheegaya inay ka taagan tahay xiisad colaadeed oo u dhaxeysa laba beelood oo halkaas wada dega.