Kooxda Xuutiyiinta oo sheegatay weerar lagu qaaday xabsi ay Soomaali ku jirtay!

38

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ee ay taageerto dowladda Iiraan ayaa sheegtay in ay dambeeyeen weerar loo adeegsaday gantaal laguna qaadey xabsi ay ku jireen boqolaal muhaajiriin u badan Itoobiyaan iyo Soomaaliya.

“44, muhaajiriin ah ayaa ku dhintay. 190 kalana way ku dhaawacmeen. Illaahey ha u naxariisto intii dhimatay, inta dhaawaca ahna bogsasho deg-deg ah ayaan u rajeynaynaa” ayuu yiri  sarkaal u hadlay Xuutiyiinta oo sheegay in weerarku u dhacay si khaldan.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay ka dhigtay in wadarta guud ee Soomaalida ku jirtay xabsigaas ay ahaayeen 31 –kuwaas oo ay xustey in laba kamid ah ay dhaawacmeen, afarna la la’yahay, 9-kalana ay geysay xarunta jaaliyada.

Danjiraha Soomaaliya ee waddanka Yemen, Cabdullaahi Xaashi Shuuriye oo weerarkaas dhacay horaantii bishaan Maarso u waramay saxaafadda, ayaa ugu yeeray Soomaalida in ay feejignaadaan goobaha colaada kuna laabtaan dalkooda.

“Falkaan bahalnimada ah kadib waxaa noosoo baxeysa in meeshan aysan ahayn meel Soomaalida ay sii joogi karto. Waxaan ku boorineynaa dhamaantooda in ay ka hayaamaan kuna laabtaan dalkooda,” ayuu hoosta ka xariiqay

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqul insaanka Human Rights Watch oo Xuutiyiinta eedeysay kahor inta aysan qiran ayaa cod dheer waxay ku dalbatay baaris madax-banaan iyo in la ciqaabo kuwii ka dambeeyay falka.